Dawladda Puntland oo Somaliland ku eedaysay faragalinta qabaa?ilka ku dhaqan deegaanka Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Puntland State of Somalia
Garowe

WAR SAXAFADEED
9 November 2011

Dowladda Puntland oo Somaliland uga Digtay Faragelinta Qabaa?ilka

Waxaa Magaalada Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag ay ciidamada Maamulka Somaliland ku laayeen dad shacab ah, 5-ti iyo 6-di bishan November, iyadoo falkaasi foosha xun uu sababay dhimashada 4-qof iyo dhaawaca 13-qof, iyo weliba barakaca bulshada Reer Ceerigaabo.

Caado ayey u noqotay Maamulka Somaliland in ay bulsho meel wada deggan colaad dhex-dhigaan iyagoo gacansiin ku salaysan Qabyaalad kula kacaya dadka shacabka ah.

Ma ah markii ugu horeysay oo ay dhacdo arrintaan oo kale, waxaana ugu danbeysay colaadii deegaanka Kalshaale. Mala aqbali karo in Maamulka Somaliland uu huriyo colaad Qabyaalad ku salaysan.

Waxaan ugu baaqeynaa beelaha deriska ah ee Reer Ceerigaabo in ay ka digtoonaadaan dabinka colaadeed ee loo maleegayo. Sidoo kale, waxaan Shacabka ugu baaqeynaa in ay mar kasta ilaashadaan nabadgelyada iyo xasiloonidda.

Beesha Caalamka waxaan ugu baaqeynaa in maatada la barakicinayo ay gargaar dhan kasta ah u fidiyaan iyo in Mas?uuliyiinta Somaliland oo ku mashquulsan hurinta iyo fidinta colaadaha tallaabo Dowli ah laga qaado.

Communications Office
The Puntland Presidency
Puntland State of Somalia
E-mail: [email protected]
Web: www.puntland-gov.net

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com