HomeUncategorized

Guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka Jubbaland oo ka hadlay doorashadiisa

Arbaco, Abriil 29, 2015 (Daljir) — Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubba ayaa shalay doortay guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen; kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannadu xarunta caymiska ee magaalada Kismaayo.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Toll-Man
Madaxweynaha oo ka baaqday Booqashadii Jowhar xili la filayo in uu gaaro magaalada Kismaayo
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida_Arbaco_22

Arbaco, Abriil 29, 2015 (Daljir) — Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubba ayaa shalay doortay guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen; kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannadu xarunta caymiska ee magaalada Kismaayo.

Kulanka doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka KMG ah Jubblanad ayaa waxaa soo xadiray 72 xildhibaano oo ka mid ah 77-ka xildhibaan ee uu baarlamaanku ka kooban yahay.

Xilka guddoomiyaha oo ay isku soo sharraxeen afar xildhibaan ayaa laba ka mid ihi waxay ka tanaasuleen murashaxnimadooda intii aysan doorashu billaabin, iyadoo ay tartameen laba xubnood, iyadoo uu ku guuleystay doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan.

Guddiga doorashada baarlamaanka Jubba ayaa waxay ku dhawaaqeen in guddoomiyaha cusub ee la doortay uu helay codadka 45-xildhibaan oo ka mid ahaa 72-kii xildhibaan ee kulanka goob-joogga ka ahaa, iyadoo saddex cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay ay hallaabeen.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay, Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf, kaddib markii uu tartan adag la galay dhowr murashax oo isku soo taagay xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jubbaland.

Waxaa isna guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland loo doortay Cabdi Baaley, inkastoo uu daneynayay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland.Gudoomiyaha cusub ee  barlamaanka Jubbaland Cabdi Maxamed Cabdirahmaan ayaa sheegay in la bilaabo doono kalfadhiyada cusub ee barlamaanka Jubbaland dhawaan.

Madaxweynaha Jubba, Sh. Axmed Madoobe oo goob-joog ka ahaa doorashada guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa bogaadiyay sida ay doorashadu u dhacday, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan mas’uuliyiinta maanta la doortay.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: