Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya oo kala saxiixday heshiis caafimaad iyo mid horumarineed.

Muqdisho,? July, 6- 2013 – Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa iskhaashi horumarineed la gaartay dowlada Turkiga oo qeyb weyn ka ahayd dib u dhiska Soomaaliya, Ikaashigaas ayaa noqonaya mid dhinaca caafimaadka iyo waxbarashada ah oo Soomaaliya lagu horumarinayo.

Wasiirka wasaarada horumarinta iyo adeega bulshada ee Dowlada Federaalka ah Marwo Maryam Qaasim oo saxaafada la hadashay kadib safar ay kaga timid Turkiga, waxay sheegtay in heshiis muhiim ah ay la soo galeen wasaarada caafimaadka ee dalka Turkiga, kaas oo muhiim u ah Soomaalida.

? Heshiis muhiim ah ayaan gaarnay oo aan isku afgaranay wasiirka caafimaadka ee Turkiga, wuxuu noo balan qaaday in sanad kasta 250 bukaano ah lagu soo daaweeyo dalkaasi, Bukanada la qaadayo waa kuwa dalka wax lagaga qaban waayo? ayey tiri Marwo Maryam.

Docda kale wasiirka horumarinta ee Soomaaliya waxay sheegtay in ay heshiis wadajir ah la gaartay wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada ee Turkiga, waxaana halkaas ka soo baxay heshiis kale oo muhiim ah, kaasi oo Dowlada Turkiga ay qeyb ka qaadanayso tababarka shaqaalaha Wasaarada iyo la carbiyo.

Turkiga iyo Soomaaliya waxaa jira xiriir wakhti dheer ah oo ka dhexeeyey, waxaana haatan dowlada Turkiga ay kaalinta koowaad ka tahay dalalka qeybta weyn ka qaadanaya dib u dhiska dalka Soomaaliya, wasiirka horumarinta ee Soomaaliya oo shaacisay heshiisyada ay la soo gaartay Turkiga ayaa dalka ka maqnayd muddo, iyadoo debeda ugu maqnayd howlo shaqo.

?

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com