Puntland oo xirtay agaasimaha iyo idaacadda Codka Nabadda ee magaalada Boosaaso.

Bosaso,Mar 4 -Ciidamada amaanka ee dowladda Puntland ayaa xiray idaacadda Codka Nabadda ee magalaada Boosaaso,iyadoona sidoo kale xabsiga loo taxaabay agaasimihii idaacadda Cawke Cabdulaahi Cali (Cawke yare).

Wariye Cabdiraxmaan Ibraahim Maxamed oo katirsan howlwadeenada idaacadda Codka Nabadda ayaa u sheegay Radio Daljir ciidamada amaanka afartii iyo barkii habeenimo ee xalay inay yimaadeen xarunta idaacadda islamarkaana ay ku amreen shaqaalaha idaacadda in la damiyo.

Waxaa uu sidoo kale sheegay,ciidamadu inay markaasi kadib ay agaasimaha ugu tageen gurigiisa kadibna ay u kaxeeyeen xabsiga Bosaaso.

Ma jirto faahfaahin dowladda ay kasoo saartay sababaha keenay xiritaanka agaasimaha iyo xarunta idaacadda Codka Nabadda ee Boosaaso.

Diiwaanka Wararka
Daljir,Bossaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com