HomeUncategorized

Puntland oo qalabka xiriirka badda iyo kaarar aqoonsi siinaysa Kalluumaysatada xeebaha (Dhegeyso)

Boosaso, September 24, 2013 - Dowladda Puntland ayaa qorshaynaysa in la helo qorshe balaaran oo lagu ilaalinayo kalluumaysatada dhibaatooyinka kala kulma howl-galka ka socda xeebaha Soomaaliya ee ka dhanka ah Burcad-badeeda.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay Ciidan ka Gadooday Mushaar la’aan
Doorashada Afhayeenka baarlamaanka oo goordhow ka dhacaysa Muqdisho.
Qaxootigii ugu badnaa oo ka soo Cararay Colaadaha Yemen oo Bosaaso soo Gaaray

Boosaso, September 24, 2013 – Dowladda Puntland ayaa qorshaynaysa in la helo qorshe balaaran oo lagu ilaalinayo kalluumaysatada dhibaatooyinka kala kulma howl-galka ka socda xeebaha Soomaaliya ee ka dhanka ah Burcad-badeeda.

Wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland ayaa sheegtay in ay bilaabi doonto bixinta kaarar aqoonsi iyo qalabka loo yaqaan GBRS-ka, si loo yareeyo dhibaatooyinka xarriga iyo dilalka kalluumaysada xeebaha Puntland ay kala kulmaan howl-galka badda.

Qorshaha waxaa qayb ka ah tababar lagu baranayo iskaashiga iyo ka hortaga Burcad-badeeda iyo kalluumaysiga sharci darrada ah oo lagu qabtay Boosaso, waxaana tababarkaas ka faa?iidaysanaya ilaa 20 xubnood oo ka socda iskaashatooyinka xeebaha Puntland.

Agaasimaha guud ee wasaarada kalluumaysiga iyo khayraadka badda ee Puntland Cabdiwaaxid Xirsi Joocaar oo Daljir la hadlay ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in uu qorshahan guulaysto, kaas oo lagu ogaanayo hadba meesha ay marayaan kaluumaysatada badda ku jirta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

DHEGEYSO: Agaasime Joocar oo u waramay Maxamuud Cabdi Ibraahim oo Daljir ka tirsan

http://daljir.com//resources/files/Agaasimaha%20Guud%20ee%20wasaaradda%20kalluumaysiga%20Puntland%20Cabdiwaaxid%20Xirsi%20Joocaar.rm

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: