Puntland oo ku dhaliishay beesha caalamku in ay ka gaabisay ka taakuleenta arrimaha la dagaalanka burcad badeeda. [Akhris …]

Garowe, July 17 – Dawlada Puntland ayaa markii ugu horreesay sheegtay in beesha caalamka iyo dowladaha dariskuba ay ka gaabiyeen sidii PL looga caawin lahaa ladagaalanka burcad badeeda ka qawleesata xeebaha Soomaaliya Siiba PL arrintaasi oo soo fududeen karta in xooggaga burcad badeedu ay xeebaha dalka kusii yeeshaan awood dhamaystiran oo ay afduubkooda kusii wataan,

Wasiirka Wasaarada Amniga ee Dowlada PL Cabdulaahi Siciid Samatar oo u waramayey Idaacada Daljir ayaa sheegay kulamo badan oo ay dibada kala qayb qaateen loogana hadlayey arrimaha Burcad Badeeda aysan jirin wax natiijo ah ee kasoo baxay marka laga reebo buu yiri Go’aamo aan dhamaystirnayn oo shirarkasi kasoo baxay,

Waxaa muhiim ahaan lahayd xataa hadii ay nasiiyaan laba Markab oo ah aynu ku ilaalino xeebahayna taasi oo sahli kadha in aan si fudud kusoo af jarno Dhaq Dhaqaaqa Burcad badeeda hase ahaatee arrintu waa Qawda Maqashii Waxna ha u qaban sidaana waxaa yiri Wasiirka Amniga ee Dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Samatar oo u waramayey Idaacadda Daljir,

Mudane Cadulaahi Siciid Samatar ayaase sheegay in Puntland ay qaban Qaabinayso tababarida ciidan dhawr ah kuwaasi oo ka qayb qaata sugidda amniga iyo sidoo kale ladagaanka Burcad Badeeda hase ahaetee Masheegin Wasiirku Waqtiga ugu soo horreeya oo ay Puntland tallaabadaasi ku Dhaqaaqayso,

Arrintani ayaa imaanaysa iyadoo balanqaad badan ay Puntland ka heshay Beesha Caalamka Balse aan intaa loo dhaafin, iyadoo xeebaha Soomaaliya siiba Puntland na lasoo dhoobay Maraakiib Ciidan shisheeye Kuwaasi oo lagu eedeeyo in ay jariif Xooggan Kawadaan Xeebaha Dalka Soomaaliya.

Ibrahim Muse Dahran (Wadani)
Radio Daljir http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com