HomeUncategorized

Puntland oo dadaal ugu jirta soo celinta 40 dhalinyaro ah oo Burcad-badeednimo ugu xiran Maldives

Maldives, December 1, 2013 - Agaasimaha hay?adda la dagaalanka Burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa maanta booqanaya Jaziirada Male Maldives, halkaas oo ay ku xiran yihiin.

Baahin: Sabti, 24 AUG 2013, Caawa Iyo Daljir Weriye Cabdirisaaq C Cabdi Silver ~ Daljir ~ Galkacyo
Gaari hub u siday Al-shabaab oo lagu qabtay deegaanka Kalabaydh ee gobolka Hiiraan.
Qaramada Midoobey, Midawga Afrika iyo IGAD oo u digay xubno carqaladaynaya xulista baarlamaanka cusub ee Somaliya.

Maldives, December 1, 2013 – Agaasimaha hay?adda la dagaalanka Burcad badeeda Puntland Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa maanta booqanaya Jaziirada Male Maldives, halkaas oo ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaali ah oo ku eedaysan burcad-badeednimo.

Dhalinta xiran ayaa gaaraysa ilaa 40 ruux.

Agaasime Ducaysane ayaa xusay in dhalintaas ay u xiran yihiin in ay si sharci daro ah ku galeen jaziiradaas iyagoo kalluumaysato ah, halka qaar kalena ay ku eedaysan yihiin falal Burcad-badeednimo.

Ducaysane ayaa si cad u sheegay in dhalinta gaaraysa ilaa 40-ka ay xor yihiin isla markaasna ay keeni doonaan Puntland iyagoo aan la kulmi doonin wax xarrig ah markay dalka ku soo noqdaan, maadama aysan ahayn Burcad-badeed ee ay yihiin kalluumaysato jihadu ka luntay.

Agaasimaha hay?adda la dagaalanka Burcad-badeeda ayaa horay jaziirada u booqday 2011, Ducaysane waxaa uu sheegay in dhalinta la soo kaxaynayo qaybtood ay ku jireen xabsiyo ku yaala Maldives ilaa 2009.

Puntland ayaa ka mid ah maamulada iyo dowladdaha mudnaanta lagu siiyey inay si wayn ula dagaalameen Burcad-badeeda, kuwaas oo fara kulul ku hayey Maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga kala duwan ee gacanka cadmeed ilaa Badweynta Inida oo ah marin biyood muhiim u ah isu-socodka dunnida.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: