Punsa oo ku baaqday in wada-hadal lagu dhameeyo khilaafka maamulka iyo musharixiinta (Dhegeyso)

Boosaaso, December 12, 2013 – Dallada urrurada bulshada aan dowliga ahayn ee Puntland PUNSA ayaa maanta baaq ka soo saartay khilaafka u dhexeeya musharixiinta iyo madaxda maamulka Puntland, kaas oo salka ku haya hanaanka ay u dhacayso doorashada iyo arrinta guddiga khilaafaadka.

Shir ay wada qaateen urrurada bulshada ee dallada PUNSA ayaa lagu shaaciyey in Puntland ay u baahan tahay xasilooni iyo in wax kasta lagu dhameeyo is afgarad.

PUNSA waxay sheegtay in ay diyaar u tahay dhex dhexaadinta madaxda Puntland iyo musharixiinta.

????????? In la adkeeyo amniga iyadoo la isku duuban yahay, maamul, musharixiin iyo dadweynaha intaba, ayna dhacdo doorasho ku dhisan cadaallad iyo hufnaan wakhtigii loo qoondeeyey.

????????? In wada-hadal lagu dhameeyo maamulka iyo musharixiinta wixii khilaafaad ah ee ka dhex taagan.

????????? Dalladu waxay maamulka iyo murashaxiinta ugu baaqaysaa in laga fogaado hadalada xanafta leh iyo wixii dhib keeni kara.

????????? Ururrada bulshada rayidka ah waxay diyaar u yihiin in ay qaatan kaalin dhex-dhexaadin khilaafaadka u dhexeeya maamulka iyo musharixiinta.

????????? PUNSA waxay ugu baaqaysaa, isimada, culimada, nabadoonada ganacsatada iyo waxgaradka oo dhan maanta inay kaalintooda u qaataan si hufan, kana shaqeeyaan nabad-gelyada iyo xasiloonida Puntland, kana qayb qaataan xalinta khilaafaadka.

Kulanka oo ahaa mid balaaran kana dhacay Boosaaso, waxaa kaloo ka hadlay nabadoono iyo waxgarad kale oo ugu baaqay isimada guud in ay door muuqda ka qaataan xaalada siyaasadeed ee Puntland iyo khilaafka jira, waxay ka codsadeen bulshada isku duubni iyo amniga oo laga wada shaqeeyo

Diiwaanka wararka

Radio ?daljir

Dhegeyso: – Cabdiraxmaan Axmed oo daljir ka tirsan ayaa war-bixin ka diyaariyey munaasabada

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com