Prof. Axmed Muumin Warfaa, oo la-taliye sare u ahaa m/weyne Shariif oo is casilay.

Muqdisho, Feb 20 – Prof. Axmed Muumin Warfaa oo la-taliye sare u ahaa m/weynaha dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed, ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaasi la-talinta.

La-taliyaha ayaa sheegay is casilaaddiisu in ay ka danbaysay kadib markii m/weyne Shariif uu ku guul-daraystay fulinta talooyin wax ku ool ah oo sida uu sheegay la-taliyuhu uu m/weynaha ku soo gudbiyey, kuwaasi oo ku saabsanaa hormarinta hannaanka siyaasadeed ee dawladda.

La-taliyuhu, waxaa uu carrabka ku adkeeyey m/weyne Shariif in uu dhagaha ka furaystay talooyin badan oo uu u soo jeediyey, wuxuuna intaasi ku daray in uu aad ugu rajo xun-yahay hanaqaadidda dawladda Shariif oo haatan la daalaa-dhacaysa illaalinta amniga madaxdeeda, taasina ay sababta is casilaaddiisa.

Is casilaadda la-taliyahaan ayaa ku soo beegmaya xilliga ay sii kordhayaan dagaallada iyo weererada lagu hayo dawladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ay soo baxayaan khilaafyo horleh oo u dhaxeeyey golayaasha dawladda.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com