Ololaha maalmaha caafimaadka caruurta oo lagu soo gabagabeeyay gobollada Puntland.

Garowe, July 27 – Waxaa guud ahaan-ba lasoo gabagabeeyay, hawl-galkii ololaha maal-maha caafimaadka caruurta, kasoo muddooyinkii danbe ka socdey magaalooyinka iyo dhulka miyiga ah ee Puntland.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Puntland ayaa sheegey in inka-badan 40,000 oo carruur ah ay ka faa’iideysteen ololaha talaalka. Talaalkan ayaa Puntland ka socday intii u dhexeeysay sanadkii 2010-ilaa sanadkaan 2011.

Inkasta oo guud ahaan olalaha tallaalku ku soo dhamaaday guul ayaa haddana sida ay sheegayaan saraakiisha wasaaradda caafimaadku waxa ay sheegayaan in ay jireen cabaqado ka hor-yimid, koox-hawleed-kii loo igmadey fulinta mashruucaan sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka Puntland.

Aragtiyo kala duwan oo uu Radio Daljir kasoo aruuriyay dadweynaha qaar-kood waxay ku muujiyeen faa?iidada bulshada u leeyahay talaalku. Inkastoo ay jiraan dad-badan oo aamin-san talaalku inuusan dan u aheyn caruurta.

Hawl-gallada ku saabsan ololaha caafimaadka oo soo-maray marxalado kala duwan, ayaa haatan waxaa muuqda iney soo wanaagsanaaneyso fahanka bulshada ee faa?iidada talaalka.

Maxamed C/laahi Cali ‘Kooshin’
Daljir Garowe http://daljir.com/


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com