Cabdiraxmaan Odowaa: “Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyey inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan”

HomeWararka

Cabdiraxmaan Odowaa: “Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyey inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan”

Musharaxii Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ku gacan seyray inuu taageero hannaankii doorashada Galmudug ee muranka dhaliyay oo ay dowla

Maxkamada ciidamada Puntland ee Bosaaso oo dil ku xukuntay xubno Daacish iyo Al-shabaab (dhegayso)
Kooxda daacish oo digniin culus loo diray
Mareykanka oo Ciidamo hor leh udiray bariga Suuriya

Musharaxii Madaxweynaha Galmudug Cabdiraxmaan Odowaa ayaa ku gacan seyray inuu taageero hannaankii doorashada Galmudug ee muranka dhaliyay oo ay dowladdu wadday bilihii la soo dhaafay, kaas oo Axaddii la soo dhaafay Madaxweyne loogu doortay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Cabdiraxmaan Odowaa ayaan ku mowqif noqon saddexdii musharax ee uu isbaheysiga la ahaa, kuwaas oo xalay soo saaray qoraal ay ku soo dhoweynayaan doorashada Qoorqoor, kuna muujiyey tanaasul iyo taageero.

Qoraal uu goor dhow soo dhigay bartiisa Facebook ayuu uga hadlay mowqifkiisa dhabta ah, asaga oo qoray: “Nidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo in ay aqbalaan, una sacabo tumaan gaboodfalkii loo gaystay.”

Raggu waa Mawaaqif الرجال مواقفNidaamka Farmaajo waxa uu dalka ku soo kordhiyay inta uu dadka dulmiyo haddana ku qasbo…

Posted by Abdurahman Odowaa on Monday, February 3, 2020

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: