Mareykanka oo Ciidamo hor leh udiray bariga Suuriya

Mareykanka oo Ciidamo hor leh udiray  bariga Suuriya

Mareykanka ayaa saldhig dheeri ah ka sameynaya bariga Dalka Siiriya si uu u ilaaliyo goobaha saliidaha laga soo saaro oo la tilmaamay in looga baqayo in maamulkeeda in uu Gacanta u galo Ururka Daacish.

Bayaan ka soo baxay waaxda Gaashaandhigga Mareykanka ee Pentagon ayaa lagu sheegay in qorshahaan uu wato Mareykanka lala kaashan doono Kurdiyiinta Suuriya (SDF)

Ma jiraan wax faahfaahin ah oo ku saabsan tirada ama nooca ciidamada ee loo dirayi Bariga Suuriya,hasa yeeshee, tallaabadaasi waxaa walaac ka muujiyay siyaasiyiin Mareykan ah oo ku tilmaamay arrin caadhifi ah oo aan laga fiirsan.

Falanqeeyayaasha ayaa dhalleeceynaya isbeddelka ugu dambeeya ee siyaasadda Madaxweyne Trump uu ciidamo ay ku jiraan Kurdiyiinta ugu dirayo Bariga Suuriya.
Diiwaanka warka
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com