Kooxda daacish oo digniin culus loo diray

HomeWararka

Kooxda daacish oo digniin culus loo diray

Ciidamada isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ayaa digniin ku siiyay dagaalyahanno lagu sheegay in ay yihiin kuwi ugu danbeeyay Kooxda Daacish ee Suur

Qaar ka mid ah madaxda maamulada oo Muqdisho soo gaaray
Dowladda Maraykanka oo kordhinaysa taageerada ay siiso Somaaliya
Xulashadda Daljir Faadumo degan | Daljir Bosaaso

Ciidamada isbaheysiga uu hogaamiyo Mareykanka ayaa digniin ku siiyay dagaalyahanno lagu sheegay in ay yihiin kuwi ugu danbeeyay Kooxda Daacish ee Suuriya in ay is dhiibaan ama ay la dili doono.

Baabuur badan oo ah kuwa xamuulka ayaa Talaadadi shalay la geeyay nawaaxiga tuulada Baghouz ee dalka Suuriya si loogu daadgureeyo dagaalyahannada Daacish ee dagaalka ka baxa iyo qoysaskooda.

Ciidamada Mareykanka iyo xoogaga Kurdiyiinta ayaa sheegay in ay weerari doonaan Baghouz marka laga daadgureeyo dadka rayidka ah.

Laakin saraakiisha dhinaca xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan ilaa iyo 200 oo qoys ku xanniban deegaankaasi. Waxay sheegeen in dagaalyahannada Daacish ee ku haray Baghouz ay diideen in carruurta iyo dumarka ay ka baxaan halkaasi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: