Sarkaal dowladda ka tirsan oo lagu dilay Muqdisho

Sarkaal dowladda ka tirsan oo lagu dilay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa Barqanimadii Maanta waxa ay Xaafada Siigaale ee degmada Hodan ku dileen Wiil Dhalinyaro ah oo la sheegay in uu ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka Somaaliya.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay inay wateen Mooto Bajaaj,islamarkaana ay dileen Nin lagu Magacaabi jiray Maxamed Mursal kana mid ahaa ku xigeenada Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka.

Wararka kale aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in raggii dilkaasi ka dambeeyay ay horay u sii kaxeysteen Gaari nooca raaxada ah oo uu watay masuulka ay dileen.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay wallow aysan ku guuleysan inay gacanta ku dhigaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com