Nin Madaxweyne Sheegtay oo lagu Xiray Gobolada Dhexe

Arbaco, Oktoobar 07, 2015 (Daljir) — Maamulka Ahlusuna waljameeca ee gobolada dhexe ee Soomaaliya ayaa xaqiijiyey inay xireen nin horay uga mid ahaan jira culimada Ahlusuna oo shalay sheegay inuu yahay madaxweynaha gobolada dhexe ee Soomaaliya.

Cabdullaahi Dhoodi oo horay uga mid ahaan jirey maamulka gobolada dhexe ee Ahlusuna ayaa shalay deegaanka Ceeldheer kaga dhawaaqay inuu yahay madaxweynaha maamulka gobolada dhexe waxaana manta xabsiga dhigay ciidamada Ahlusuna.

Madaxda maamulka gobolada dhexe ayaa sheegay kadib xarigii ninkaasi inay maxkamd keeni doonaan ayna cidkasta oo carqalad ku ah jiritaanka maamulka gobolada dhexe gacan ku qaban doonaan.

Gobolada dhexe ee wadanka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Galgaduud ayaa ahaa mid aan deganayn bilahaan maadaama ay isku hayaan maamulka gobolada dhexe iyo maamulkii Cadaado dowladda federalku ku yagleeshay dhowaan.

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com