Nicholas Kay oo QM u sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay la xisaabtan iyo ciidan aqoon leh

New York, December 11, 2013 – Xafiiska qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa soo bandhigay macluumaad muujinaya baahida Soomaaliya ka jirta xilligan, gaar ahaan dhinaca siyaasadda iyo horumarinta dowladnimo.

Danjire Nickholas Kay oo khudbad ka jeediyey gollaha amaanka waxaa uu sheegay in ay Soomaaliya u baahan tahay hab siyaasadeed oo horumarsan, iyo in laga taageero dhinaca meleteriga.

Kay ayaa xusay in kooxda Al-shabaab ay weli caqabad ku tahay horumarka siyaasadda iyo tan bulsho ee Soomaaliya oo ka soo kabanaysa dagaalo ay mudo dheer ku jirtay.

?Soomaaliya waxay u ahaan doonta wadan xasiloon gobolka iyo guud ahaan caalamka, hadii la xoojiyo hay?adaha dowladda.? Kay ayaa intaas ku daray in guul la gaarayo hadii la helo la xisaabtan iyo ciidan aqoon leh.

Docda kale qaramada midoobey waxay ka hadleen arrimaha dib-u-heshiisiinta iyo dhaqdhaaqa dowladda federaalka ah, in kastoo ay muhiimad wayn ku tilmaameen in la sugo dowladd cusub oo wax badan ka samaysa horumarka la rajaynayo.

Qaramada midoobey waxay dharbaaxo kulul ku tilmaameen is-casilaadii gudoomiyihii Bankiga dhexe ee Soomaaliya Yusra Abraar, balse waxay sheegeen inay muhiim tahay in la helo qof kale oo masuul ah oo xilkaas qabta xilliyada dhow.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com