Nabad-sugidda Jubba oo ka hortagay qaraxyo diyaarsan oo la dhigay meelo ka mid ah Kismaayo

Kismaayo, December 10, 2013 – Ciidamada amaanka ee magaalada Kismaayo ayaa maanta soo qabtay bambooyin fara badan oo la dhigay meelo ka mid ah magaalada Kismaayo ee xaruunta Jubbada hoose, halkaas oo ay ka socdaan howl-galo.

Shir jaraa?id oo uu Kismaayo ku qabtay maanta wasiirka arrimaha gudaha ee Jubba Gen. Maxamed Warsame Faarax Darwiish, ayuu ku sheegay in ciidankoodu ay soo qabteen 270 qalabka qarxa ah oo la dhigay meelo ka mid ah Kismaayo.

Xaafada suuqa xoolaha ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee laga soo aruuriyey walxaha qarxa maanta, sida ay sheegeen saraakiisha nabad-sugidda ee maamulka Jubba

?tiro cayiman oo ciidan ah ayaa lagu daayey magaalada Kismaayo si ay amniga u sugaan, dhowaan hay?addaha amniga oo dhan ayaa la dhisi doonaa.? Ayuu yiri Gen. Darwiish wasiirka arrimaha gudaha ee Jubba

Bambooyinka ayaa la doonayey in lagu waxyeelo dadka rayidka ah ee magaalada Kismaayo, sida ay sheegeen maamulka Jubba oo ka hadlay, ?wasiirka ayaa ka dalbaday shacabka Kismaayo in ay heegan u galaan sidii ay ula shaqayn lahaayeen ciidamada.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com