Nabad-suggida Soomaaliya oo sheegtay in ay qabatay xubno ay ku jiraan Ajinebi ka tirsan Shabaab

Muqdisho, August 30, 2013 – Ciidamada nabad-suggida ee dowladda Soomaaliya ayaa xalayto howgalo lagu soo qabtay dad ka tirsan al-shabaab, ?waxay ka fuliyeen magaalada Muqdisho gaar ahaan suuqa Bakaaraha.

Taliska nabad-suggida ee dowladda Soomaaliya, waxay sheegeen in ay ka war-heleen in ay jiraan xubno ka tirsan ururka al-shabaab oo isugu jira Ajinebi iyo Soomaali oo deganaa gudaha suuqa Bakaaraha.

Col. Maxamed Aadan Koofi oo ah taliyaha nabad-sugida ee gobolka Banaadir, wuxuu sheegay in ay galeen Hoteelo ku yaala gudaha Suuqa isla markaasna ay ku soo qabteen 27 ruux, kuwaas oo dhamaantood ah dhalinyaro ka tirsan Al-shabaab ah, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay taliyuhu in raga la qabtay uu ku jiray xubin Ajinebi ah, Col. Koofi ayaa intaas ku daray in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu samaynayo dhalinyarada la soo qabtay, oo ku eedeysan in ay qorshaynayeen qaraxyo ka dhaca Muqdisho

Ururka Al-shabaab ilaa hadda kama aysan hadlin dhalinyarada la qabtay, sidoo kale hay?ada nabad-sugida ee dalka Soomaaliya iyana ma aysan bixin faah faahin dheeraad ah oo arrinta qaqabashada la xiriirta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com