HomeUncategorized

M/weyne Shiriif oo Kampala u duulay iyo duqaymo loo geystay markii uu ka dhoofayey Aadan Cadde Airport.

Muqdisho, Oct 22 - Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Somaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Wefti balaadhan oo uu hugaaminaayo ayaa saaka ka dhoofay

DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Xasan Haykal.
DHEGEYSO-Waxgarad kusugan Muqdisho oo cambaareyey qarixii Galkacyo.
M/weyne Shariif oo sheegay in dawladiisu in ay ka guulaysatay Islaamiyiinta ku kacsan. [Akhris …]

Muqdisho, Oct 22 – Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Somaliya Sh. Shariif Sh. Axmed iyo Wefti balaadhan oo uu hugaaminaayo ayaa saaka ka dhoofay Garoonka Aadan Cade internatial Airport ee Magaaladda Muqdisho.

hugaamiyaha DKMG ah ee Somalia shiikh Shariif ayaa isaga iyo weftigiisa Waxay u dhoofeen Magaaladda Kampala ee Caasimadda Wadanka wadanka Uganda, halkaas Oo uu Maanta ka furmayo shirkii Madaxda afrika ay uga arinsanayeen arimaha qaxoontiga iyo dadka barakacayaasha ee afrika ku Nool.

Ciidamadda xooga dalka somalia ayaa Waxay xireen Guud ahaanba wadda isku xirta Garoonka diyaaradaha Magaaladda ee Aadan Cadde iyo weliba wadda Maka al-mukarama ee Magaaladaasi Muqdisho isla wakhtigii ay baxayeen Madaxda Dowladda Somalia Oo uu hugaaminaayo Shiikh shariif shiikh Axmed hugaamiyaha Dalka Somalia.

Geba gebadii Safarkii Madaxweyne Shariif ayaa Waxaa ka Warhelay kooxaha islaamiyiinta ee Dowladda ka soo horjeeda kuwaas oo iyagu ugaadh sada Madaxda dowladda ee ka dhoofaysa Garoomada Muqdisho halkaas oo ay la eegtaan hubka Noocyadiisa kala duwan, iyadoona saaka ay ku Garaaceen islaamiyiinta Wadada Maka Al-mukarama iyo inta u dhexaysa garoonka diyaaradaha hubka lidka BM-ka hasse yeeshe aan Garoonka wax khasaare ah u geysan.

Ugu dambeyntii Waxaa la filayaa in uu Maanta Madaxweynuhu gaadho Magaaladda kampla halkaas oo uu kaga qayb gelayo shirkaasi Madaxda afrikaanku kaga arin sanayaan Arimaha qaxoontiga iyo barakacayaasha ku nool qaaradda afirka ee ay somalia ka mid Tahay Macadda in madaxweynuhu uu shirka dib uu dalal kale u safri doono.

Abdirahman Mohamed koronto
Idaacada Daljir – Garoowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: