M/weyne Shariif oo lagu eedeeyey in uu hortaagan yahay hawlaha baarlamaanka, diiddan yahayna furitaanka kalfadhiga golaha wakiilada.

Nayrobi, Apr 10 – Xubno ka mid ah baarlamaanka federaalka ah ee Somaliya ayaa ku eedeeyey M/weyne Shariif in ay ka gudan waayeen shaqadoodii, uuna hortaagan yahay kalfadhiga golaha.

Xildhibaano ay la xiriirtay idaacadda Daljir oo jooga magaalada Nayroobi ayaa sheegey in madaxweynuhu uusan ogoleyn in baarlamaanku shiro, isagoo ka cabsi qaba in ay soo qufaan dhaliilihiisa, islamarkaana uu ka gooyey gunnooyinkii ay qaadan jireen.

Xildhibaanadan ayaa ku eedeeyey madaxweynaha musuqmaasuq, safarro micna darra ah iyo inuu ku qanacsan yahay maamulidda 2 KM oo Xamar ka mid, halka dhinacyada la daagalayana ay dalka isku fidinayaan.

Barlamaanka Somaliya ayaan shirin muddo 8 bilood ah, waxaana cirka isku sii shareeraya khilaafka u dhexeeya xildhibaanada oo salka ku haya guddoonka sare oo qayb badan oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanku ay qabaan inuu wakhtiigiisii laystay.

Ku xigeenada guddoomiyaha ayaa iyaguna ku eedeeyey afhayeenka baarlamaanku uu dhammaamba shaqadii guddoonka isku koobay, ayna tahay taasi keli-talisnimo dahsoon.

Axmed Sh. Maxamed ‘Tallman’
Idaacada Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com