M/weyne Shariif iyo Afhayeen Sh. Adam Madoobe oo kulamo la yeeshay xubno ka tirsan golayaasha dawladda.

Muqdisho, Apr ? 17 Madaxweynaha dawladda Somaliya Sh, Shariif Sh, Axmed iyo guddoomiyaha Barlamanka Sh, Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa caawa shir kula leh xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho xubno ka tirsan golaha xukuumadda iyo golaha wakiilada, ka dib markii ay manta dalka dib ugu soo laabteen.

Ilo ku dhaw Madaxtooyada Villa Somaliya ayaa idaacadda Daljir u sheegay in kulanka lagu gorfeynayo khilaafka baahsan ee ka dhextaagan golaha wakiilada Somaliya ee la xiriira in guddoonka uu wakhtigii ka dhammaaday, taasi oo madaxweynaha iyo Guddoomiyaha barlamaanka ay ku hawllanyihiin sidii xubnaha Baalamaanka uga dhaadhicin lahaayeen inay go?aankaas ka noqdaan, laakiin lama hubo inay goluhu aqbali doonaan.

Khilaafka ayaa hadda maraya meel aad u adag oo keentay inuu maanta iscasilo guddoomiye ku xigeenkii labaad Cismaan Cilmi Boqorre oo hadda jooga dalka iiraan, kuna dhawaaqay maanta inuu iscasilay.

Boqorre waxa uu ku eedeeyey Guddoomiayaha inuu isku koobay dhammaanba shaqadii uuna ahaa wayaahanba magic u yaal ayna taasi tahay sababta uu isucasilay.
Warar laga heleyo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in laga yaabo guddoomiye ku xigeenka koowaadsna inuu booska banneeyo inkasta oo uu arrintaasi beeniyey, laakiin haddii arrintani dhacdo waxaa suuragal ah in guddoomiyuhuna meesha isaga tago.

Axmed Sh, Maxamed Tallman
Idaacadda Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com