M/weyne Faroole oo magacaabay taliyayaasha ciidanka bilayska ee Puntland.

Garowe, Oct 31 – Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland, uuna ku saxiisan yahay M/weynaha Puntland C/raxmaan Maxmed Faroole ayaa lagu magacaabay taliyaha ciidanka bilayska Puntland, iyo saddex ku xigeen.

Hay’adda amniga ee ciidanka bilayska oo lagu daray ciidanka asluubta, loona bixiyey ciidanka bilayska ee nabadgelyada & dhaqan-celinta ayaa dib u habayn lagu sameeyey, lana siiyey awood iyo agab u sahla gudashada hawshooda, qaybna ka ah qorshaha dawlada ee tayaynta ciidanka amniga iyo adkaynta amniga ee gobollada Puntland.

Wareegtada ayaa u dhignayd sidan:

Xeer M/weyne Lr.96 ee 30/10/2010, magacaabid xileed:

Waxaa la mideeyey ciidamada bilayska & Asluubta ee Puntland, waxaana loo bixiyey Ciidanka bilayska ee nabadgalyada & dhaqancelinta Puntland; waxaa loo magacaabay saraakiisha hoos ku xusan.

1. Gen. Cali Nuur Cumar – Taliyaha Ciidanka Bilayska ee Puntland,

2. G/Sare Maxamed Siciid Maxamed – Taliye ku xigeen,

3. G/Sare Muxayadiin Axmed Aw Muuse – Taliye ku xigeen,

4. G/sare C/llahi Saalax Maxamed – Taliye ku xigeen.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com