M/weyne Faroole oo Adis Ababa kula kulmay M/weyne Shariif & Mesfin, wasiirka arrimaha dibedda ee Ethiopia.

Adis Ababa, Apr 02 – Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa kulan la qaatey maanta 1 April, 2010 Wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Sayoum Mesfin.

Kulankaan oo ka dhacey xafiiska Wasiirka Arimaha dibada ayaa waxaa labada mas?ul kaga hadleen xiriirka Puntland iyo dowladda Ethiopia, xaalada guud Somalia waxeyna isku afgarteen dhamaan qodobadii laga wada hadley.

Waftiga Madaxweynaha Puntland uu hogaaminayo ayaa intii ay ku sugnaayeen magaalada Addis Ababa waxey kulamo muhiim la qaateen mas?uliyiin sare ee ka tirsan dowladda Ethiopia, sidoo kale waxaa kulan kooban oo is-afgarad ku dhamaadey la qaatey Madaxweynaha dowladda Federaalka iyo waftigiisa.

Xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com