Musharrax Cali Xaaji Warsame oo wareysi uu siiyey Radio Daljir ku bayaamiyey doorashada Puntland iyo damaciisa waxqabasho haddii la doorto (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Musharrax Cali Xaaji Warsame oo wareysi uu siiyey Radio Daljir ku bayaamiyey doorashada Puntland iyo damaciisa waxqabasho haddii la doorto (dhegayso)

Cali Xaaji Warsame wuxuu ka mid yahay musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee loo ballansanyahay dhiciddeeda 8da bisha

Kulan lagu tageerayey Musharrax Cali Xaaji Warsame oo Gaalkacyo lagu qabtay (dhegayso)
MAANHADAL: Musharrax Cali Xaaji Warsame waa kuma waa se maxay qorshihiisa siyaasadeed? (dhegayso/daawo)
Musharrax Cali Xaaji Warsame: “Waa in musharraxiinta iyo bulshadu door ku yeeshaan guddiga xallinta khilaafaadka ama …” (dhegayso)

Cali Xaaji Warsame wuxuu ka mid yahay musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada soo socota ee loo ballansanyahay dhiciddeeda 8da bisha Jannaayo ee 2019ka, horayna waxaa uu uga soo mid noqday musharraxiinta kursiga madaxweynaha Puntland u tartamay doorashadii middaan ka horraysay ee 2014kii, taasoo lagu doortay madaxweynaha xil-hayntiisu dhammaadka tahay hadda ee Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kana mid ah laftigiisu musharraxiinta isla hadda.

Musharraxa madaxweyne Cali Xaaji Warsame oo wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanaya siiyey Radio Daljir ayaa ka hadlay arrimo badan oo doorashada la xiriira, ayna kamid yihiin xilligaan iyo sida ay wax u socdaan, siiba amniga iyo arrimaha xulitaan ee Baarlamaanka oo ay gacanta ku hayaan guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta Baarlamaanku.

Cali Xaaji sidoo kale wareysigaas gaar ah ee uu siiyey Radio Daljir wuxuu ku sharraxay baahiyaha Puntland ee amniga, dhaqaalaha, siyaasadda, xiriirka dawladda dhexe iyo hormarinta, isagoo dhinaca kalena tilmaamay qorshihiisa siyaasadeed iyo waxqabadkiisu sida uu noqon doono haddii loo doorto xilka madaxweynaha Puntland ee uu hadda u taaganyahay.

Haddaba Wareysigaasi oo uu la yeeshay Cabdifataax Cumar Geeddi, wuxuu ku bilawday sidaan soo socota.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: