Muhaajiriin Afrikan ah oo xalay ku dhintay xeebaha Lampedusa iyo gurmad loo fidiyey kuwa kale

Rome, October 12, 2013 – Muhaajiriin Afrikaan ah ayaa xalay ku geeryooday meel ku dhow xeebaha jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay toddobaadkii hore ku dhinteen 300 oo tahriibayaal u badan Afrikaan.

Wakaalada wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa shaacisay in ay dhinteen 52 ruux oo u badan Soomaali iyo Ereterian, xili doontii ay saarnaayeen ay kula degtay xeebaha Jaziirada Lampedusa ee dalka Talyaaniga ku dhow.

ANSA waxay tebisay in la badbaadiyey 200 oo kale oo muhaajiriin ah, sida la sheegay dadka la badbaadiyey ayaa isugu jira Soomaali, Ereterian iyo dad u dhashay dalka Suuriya oo? ay mukhkilado dagaal ka socdaan.

Doonta degtay xalay ayaa la sheegay in ay dhacday meel xeebaha Lampedusa u jiraa 60 mile bartamaha badda, baaritaano ay wadaan ciidamada gurmadka Talyaaniga ayaa haatan socota.

Toddobaadkii hore ayaa waxaa xeebaha Lampedusa ku degtay doonyo dhowr ah oo siday 500 muhaajiriin Afrikaan ah, kuwaas oo la badbaadiyey qeybtood halka in ku dhow 300 boqol ay dhinteen, sidoo kale waxaa doonyo habeen hore ku xumaadeen bartamaha badda u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com