HomeUncategorized

Mudane ka tirsan baarlamaanka Puntland oo lagu dilay Garowe.

Wacaal Daray ah: Garowe, Nov 11 - Waxaa daqiiqado ka hor lagu dilay magaalada Garowe Md. Ibraahim Cilmi Gaab, oo ahaa mudane ka tirsan golaha wakiila

Maraakiib Jariif ah oo ku soo Badanaya xeebaha Puntland
Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo maanta Gaaray Jubbaland
Shirkii Wada-tashiga Muqdisho oo la soo Gaba-gabaynayo

Wacaal Daray ah: Garowe, Nov 11 – Waxaa daqiiqado ka hor lagu dilay magaalada Garowe Md. Ibraahim Cilmi Gaab, oo ahaa mudane ka tirsan golaha wakiilada ee dawlada Puntland.

Mudanaha ayaa la sheegay in uu dilay nin dabley ah oo ku hubaysan bastoolad xilli uu ku sugnaa bartamaha magaalada Garowe.

Alle ha u naxariistee, Md. Ibraahim Cilmi Gaab ayaa markiiba loola cararay cisbitaalka guud ee magaalada Garwoe, halkaas oo uu ku dhintay wax yar ka dib dhaawac ka soo gaaray xabadihii ku dhacay.

Mudanaha oo ka mid ah xildhibaanada laga soo doorto gobolka Mudug, kana mid ahaa mudanayaasha ugu faca weyn golaha ayaan la granayn sababta loo dilay, iyo cidda dishay toona.

Waa faldambiyeedkii 3-aad ee maanta oo keliya ka dhacay magaalooyinka Puntland:
– Bossaos ayaa lagu dilay garyaqaan Maxamed Cabdi Awaare.
– Galkacyo ayaa iyana qunbulad gacmeed lagu soo tuuray Aqalka dawlada hoose ee Galkacyo,
– Halka Garowe-na lagu dilay mudane ka tirsan golaha wakiilada ee dawlada Puntland.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: