HomeUncategorized

Mudane Guuleed ?shaqada booliskeena ayaa aad uga fiican tan kuwa faraha badan ee dalka Ciraaq?

Muqdisho, October 6, 2013 - Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ogaadeen in booliska Soomaaliya ay ka tayo wanaagsan yihiin ciidanka booliska ee dalka Ciraaq, wasiirka ayaa hadalkaas.

DHEGEYSO-Xiisado colaadeed oo ka aloosan xuduudka Gobolka Galgaduud iyo DDSI.
Ra?isal wasaarihii hore ee dalka Saacid Shirdoon oo sagootiyey shaqaalaha xafiiskiisa (Sawirro)
Hor-cad oo maamulka ugu baaqay in la sharaxo qaabka loo joojiyey Doorashadii Puntland (Dhegeyso)

Muqdisho, October 6, 2013 – Wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay ogaadeen in ?booliska Soomaaliya ay ka tayo wanaagsan yihiin ciidanka booliska ee dalka Ciraaq, wasiirka ayaa hadalkaas sheegay mar uu ka qayb-galay munaasabad tababar loogu furayey ciidamo ka tirsan booliska dalka.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdiakariin xuseen guuleed waxaa uu sheegay uu booqday dalka Ciraaq isla markaasna uu xog-waraystay madaxda, waxaa uu xaqiijiyey in ciidanka booliska Ciraaq ay yihiin 700.000 oo kun oo Askari, oo bil kasta ay ku baxdo 10 milyan oo dollar.

Mudane Guuleed waxaa uu si cad u sheegay in booliska Soomaaliya ay aad u yar yihiin isla markaasna lacagta ku baxda ay tahay 2.5 Milyan, waaa uu xaqiijiyey marka loo eego dhinaca howl-galada in ay ku wanaagsan yihiin kuwa Soomaaliya.

Wasiir Guuleed waxaa uu si cad u sheegay in amniga dalka ay qayb ka yihiin Booliska Soomaaliya isagoo ugu baaqay mar kale in ay laamaha amnigu ay xil iska saaraan amniga guud iyo ilaalinta shacabka gobollada kala duwan ee dalka.

Cabdirakiin Guuleed ayaa yiri ? Amaanka shacabka waxaa sugi kara ciidamada booliska ee dalka, waayo waa mid ka yimid dadka shacabka ah, waxaana looga baahan yahay inay kasbadaan kalsoonida guud ee shacabka si ay wada-shaqeyn uga helaan.?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: