Midowga Yurub oo lacag ugu Deeqay howl-galkooda Soomaaliya

Khamiis, May 28, 2015 (Daljir) —Madaxa Ergadda Ururka Midoag Europe (EU) ee joogta  dalka SomaliaMichele Cervone d’Urso ayaa sheegayinay Dowladda Somalia ugu deeqeen lacag dhan 6 million oo Dollar, taasi oo qeyb ka ah kaalmooyinka loo adeegsnayo Sugidda Ammaanka ee Somalia.

“ Dhismaha Dowlad-gobaleedyadda iyo soo kabashadda Dhaqaalaha Bulshadad waxay fure u yihiin sidii loo xaqiijin lahaa nabadda iyo deganaanshaha Somalia” ayuu yiri Michele Cervone d’Urso.

Waxa uu intaasi ku daray inay Kaalmadaasi ka taageeri doontaa Dowladda Federalka adeegyadda la xiriira Dib-u-dhiska Dowlad-gobaleedyadda,dhismaha Waddooyinka iyo sidii Inkaaniyaadka muhiimka loo gaarsiin lahaa Goballadda Koonfurta iyo Bratamaha Somalia.

Ururka Midowga Europe, waxay kaloo ballan qaadeen  inay taageero siinayaan Maamulladda KMG, gaar ahaan Maamulka Jubba, Maamulka K/galbeed iyo haddii la yegeleelo Maamul-gobaleedka cusub ee Bartamaha Somalia.

Dhinaca kale, waxay Ururka Midowga Europe (EU) sheegeen inay si fircircoon ugala shaqeyn doonaan Dowladda Federalka dhinacyadda diplomaasiyadda, Horumarka Siyaasadda iyo Ammaanka.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com