Midowga Afrika oo sheegay in uu bilaabayo Dhimista Wejiga labaad ee Ciidanka ATMIS

Midowga Afrika oo sheegay in uu bilaabayo Dhimista Wejiga labaad ee Ciidanka ATMIS

Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika ugu qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in howlgalka ATMIS uu dib u bilaabi doono wejiga 2 ee dhimista 3000 oo askari marka la gaaro 31ka Diseembar sanadkaan 2023.

Danjiraha Midowga Adrika ee Somaaliya Mohamed El-Amine Souef, ayaa shaaciyay in howlgalka ATMIS uu ku wareejin doono ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, 8 xarumood oo baro ciidan ah.

Wakiilka Midogwa Afrika ee Soomaaliya ahna madaxa ATMIS ayaa uga mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya taageeradiisa iyo iskaashigiisa, isagoo sheegay in ay ka go’an tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Ka hor inta aan la gaarin dhammaadka bisha December, dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya ayaa wada yeelan doona kulan saddex geesood ah, oo looga tashandoono dhameystirka dhimista wajiga 2aad ee ATMIS.

Dhawaan ayay ahayd markii uu golaha ammaankaee Qaramada Midoobay uu ogolaaday in muddo saddex bilood ah dib loo dhigo bixitaanka wajiga labaad ee ATMIS, kaas oo qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo bishii September ee lasoo dhaafay ee sanadkan 2023.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0