HomeUncategorized

Meleteriga huwanta oo fariisin ciidan ka samaystay deegaano ku dhow degmada Buul-burte ee Hiiraan

Buulo-burte, November 25, 2013 - Ciidamada huwanta ah ee isugu jira kuwa dowladda federaalka, meleteriga Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya ayaa fariisimo ka samaystay deegaano ku teedsan degmada Buulo-burte.

Puntland oo natiijada imtixaanka dugsiyada dhexe la shaaciyey iyo iskuulo la eedeyey (Dhegeyso)
Wasiiradda adeegga bulshada oo ka warbixisay saffarro dalka dibaddiisaa ay u aaday.
Barnaamijka Tartan iyo Tacliin ee ka baxa Daljir oo xalay galay habeenkii lixaad

Buulo-burte, November 25, 2013 – Ciidamada huwanta ah ee isugu jira kuwa dowladda federaalka, meleteriga Jabuuti ee AMISOM iyo kuwa Itoobiya ayaa fariisimo ka samaystay deegaano ku teedsan degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay saldhigyo ku leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Maanta oo isniin ah ayaa la sheegay in ciidamadu u ruqaansadeen markale dhanka degmada Buulo-burte, ?kadib dhaqdhaaqii meleteri ee habeen hore ay bilaabeen ciidamada huwanta waxay ku qabsadeen deegaano dhowr ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa huwanta ah ee is garabsanaya ayaa sheegay in hadafkoodu yahay in ay gacanta ku dhigaan degmada Buulo-burte iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Hiiraan, halkaas oo ay joogto kooxda Al-shabaab.

Jihada bari ayaa la sheegay in ay degmada kaga wajahan yihiin ciidamo ka socda Itoobiya, halka jihada woqooyina ay ka soo jiraan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti oo isgarabsanaya, howl-galka ayaa socda in kastoo uusan weli dagaal dhicin.

Qorshaha weerarka meleteriga huwanta ee ku wajahan deegaanada ay joogto Al-shabaab, ayaa yimid kadib markii dhowr qarax oo khasaare badan dhaliyey laga fuliyey degmada Beledweyne ee xaruunta gobolka Hiiraan.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: