HomeUncategorized

Meleteriga huwanta iyo ururka Al-shabaab oo dagaal khasaare badan xalay ku dhexmaray Mahadaay

Mahadaay, October 2, 2013 - Ciidamada huwanta ah iyo ururka Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaanka Mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Wasiirka caafimaadka Puntland oo ka warbixiyey safar dibadda ah oo uu ka soo laabtay.
Galguduud:- adkaynta amniga oo lagu heshiiyey, iyo dhir jarista oo go,aan adag laga gaaray.
(Dhagayso) Shacabka Puntland oo masiibo qaran kutilmaamay Daljir oo maalintii 4aad Sharci darro ku-xiran.

Mahadaay, October 2, 2013 – Ciidamada huwanta ah iyo ururka Al-shabaab ayaa xalay ku dagaalamay deegaanka Mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo AMISOM oo dhowaan la wareegay.

Hal askari ayaa ku dhintay Afar kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka xalay ka dhacay degmada Mahadaay ee shabeelaha dhexe, kadib markii ay weerar culus deegaanka ku soo qaadeen ururka Al-shabaab.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay gudaha degmada Mahadaay ee isla shabeelaha dhexe, iyadoo khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dhinacyada dagaalamay, sidaas waxaa sheegay dadka deegaanka oo warbaahinta la hadlay.

Dagaalka Mahadaay ayaa ah kii ugu cuslaa ee ka dhaca degmada tan iyo markii ay dhowaan ururka Al-shabaab la wareegeen Mahadaay shabeelaha dhexe.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: