Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo Xukumo Riddey

HomeWararka

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya oo Xukumo Riddey

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukuno isugu jira dil iyo Xabsi daa'in ku riday Sedex nin oo lagu eedeeyay in ay k

Qarax ismidaamin ah oo ka dhacay Magaaladda Kismaayo
Shir loga hadlayo Wadatashiga hindise sharciyeedka korontada oo Muqdisho ka socda
Barnaamijka Ciyaaraha ee Sports News iyo Cabdiraxman Yemani (dhegayso)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa saakay xukuno isugu jira dil iyo Xabsi daa’in ku riday Sedex nin oo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil dhawaan magaalada Baydhabo loogu geestay nin Wadaad ahaa.

Maxkamada oo shalay soo gabo gabeysay dhageysida dacwada loo heestay sadexda eedeesane oo loo heestay in gudaha masaajid kuyaala magaalada Baydhabo ku dhax dileen Sheekh Madeer Sheekh Mad Gaab Cali, ayaa saakay xukuno kala duwan ku rida ragaasi eedeesanayaasha ah.

Garsoorka Maxkamada ciidanka qalabka sida ayaa sheegay in Maxamed Aadan Cali Barrow oo ahaa ninkii gacantiisa ku dilay Sheekh Madeer lagu riday xukun dil ah halka labo nin oo kale oo dilkan gacan ku siiyay iyana lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

Maxkamada ayaa sheegtay in ragan eedeesanayaasha ahaa ee qirteen in Al Shabaab ka tirsanaayeen sidoo kale dilkasai ka dambeeyeen, waxaana Gudoomiyaha Maxkamada Darajada koobada ee Ciidanka uu saakay ku dhawaqaay Xukunka dilka ah iyo xabsi daa’inka ee lagu riday sadexda eedeesane.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: