Maxkamada ciidanka ee Puntland oo xukun dil ah ku riday rag dilal loo haystay (Dhegeyso)

Garoowe, July 17- 2013 – Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa maanta ka war-bixisay xukuno dil ah oo shalay lagu riday dadkii loo haystay dilkii, AUN Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo Garoowe lagu dilay horaantii sanadkan.

Xeer ilaaliyaha maxkamada sare ee ciidanka qalabka sida ee Puntland oo maanta la hadlay Radio daljir, ayaa sheegay in maxkamadu xukun kama dambays ah oo dil ah ku riday labba eedeysane, oo kala ah Cabdiraxmaan Xuseen Jaamac Bille, iyo Cabdulaahi Cismaan Axmed Caynte oo labbaduba lagu eedeyey in ay si barer ah u dileen Sheikh Cabdulqaadir.

Cabdikariin Xasan Firdhiye xeer ilaaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadu ay xukuno dil ah ku riday Afar eedeysane oo kale, kuwaasi oo loo haystay in ay dileen Taliye ku xigeenkii booliska Puntland Gaashaanle sare Cabdulaahi saalax Cali (Nadaalo), Gaashaanle Cabdulaahi Xuseen dhaqane (Gaardile), Xilibaan Cabdisalaam sheikh Maxamuud ( Sheybe) iyo Dr. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan, sidoo kale waxaa la haystay ?Qaraxii gudoomiyaha Baarlamanka lala eegtay iyo weerarkii Bambaano ee lagu qaaday Daljir Galkacayo.

Wuxuu sheegay xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada ciidanka qalabka sida ee Puntland raga loo haysto eedeyntaasi ay kala yihiin, Maxamed Cabdulaahi Ilkacase, Mowliid Maxamed Aadan ( Gaashaan) shaqale Xasan Haybe iyo nin magaciisa lagu soo koobay binu Maxamed, Maxkamadu waxay sheegtay dhamaantood in ay u baxsadeen Soomaaliland iyo koonfurta dalka, balse wuxuu daaha ka qaaday in laamaha amaanka ay ku war-geliyeen in la baadi goobo oo la soo qabto.

Xeer ilaaliye Firdhiye wuxuu sheegay in labbada dambiile ee lagu riday xukunka dilka ah iyaga haatan gacanta lagu hayo, wuxuu intaas ku daray in dhowaan lagu fulin doono xukun qisaas ah? oo ay dembigooda ku mutaysteen.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

?

Halkaan ka dhegeyso hadalka Xeer-ilaaliye Firdhiye oo u waramay Cabdiweli sheikh oo daljir ka tirsan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com