Maxkamad ku Taal Denmark oo Xukuntay Soomaali Qaraxyo lagu Qabtay

Maxkamad ku Taal Denmark oo Xukuntay Soomaali Qaraxyo lagu Qabtay

Maxkamad ku taalla dalka Denmark ayaa wiil 25-jir Soomaali ah ku xukuntay labo sano iyo bar xabsi ah, iyo waliba musaafurin ay shuruudi ku xiran tahay.

Libaan Ahmed Hassan Warsame loo heystaa dembiga ah inuu heystay waxyaabo qarxa ka dib markii dhamaadkii sanadkii hore gurigiisa laga helay bam.

Xeer ilaaliyaha ayaa maxkamadda waxa uu horkeenay cadeymo muujinaya faraha wiilkan Soomaaliga ah, kuwaasoo lala xiriirinayay miinada gurigiisa laga helay.

Laamaha ammaanka ee wadanka Denmark ayaa horey u xaqiijiyay in wiilkan uusan wax xiriir ah la laheyn kooxaha argagaxisada ah ka dib baaritaano ay ku sameeyeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com