Maxay ka wadada hadleen Ergada soo xulaysa baarlamaanka cusub ee Jubaland iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD? (dhegayso)

Maxay ka wadada hadleen Ergada soo xulaysa  baarlamaanka cusub ee  Jubaland iyo  Wakiilka  Urur Goboleedka IGAD?  (dhegayso)

Doorashada guddoonka baarlamaanka iyo mida madaxweynaha mamaulka Jubaland ayaa dhawaan ka dhici doonta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jiblanad,waxaan aad loo adkeeyay amaanka goobta ay doorashada ka dhici doonto.

Odayaasha dhaqanka ee maamulka Jublanad ayaa ku howlan soo xulista xubnaha cusub ee baarlamaanka Jubaland iyagoo ukala qaybsanay laba garab.

waxaa jira khilaaf ka taagan qaabka ay doorashada u dhacayso, xulista xubnaha baarlamaanka, iyo walaac laga qabo guddiga doorashada ee uu madaxweyne Axmed Madoobe uu magacaabay.

Qaar kamid ah musharaxiinta Jubaland ayaa dhawaan shaaciyay in ay ka tanaasuleen xilika madaxweyne ee Jublanad.

Magaalada Kismaayo waxaa maalmahan ku sugnaa Wafdi kasocday Urur Goboleedka IGAD oo uu hogaaminayay wakiilka gaarka ah ee IGAD Dr Maxamed Guyow oo kulan la qaatay maanta intii uusan ka ambabixin magaalada Kismaayo Ergada soo xulaysa xildhibaanada csub.

Hadaba wax yaabihii ay ka wadada hadleen iyo guddi doorasho oo ay maanta magacaabeen golaha badbaadada Jubaland waxaan ka waraysanay Nabadoon Cabdi Colow Cumar Sugule oo kamid ah golaha guurtada ee Jubland.
wariye Xasan Heykal ayuu uwaramay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com