HomeUncategorized

Maxaabiis Soomaali ah oo Laga Siidaayay Xabsiga Dhexe ee Mombasa.

Mombasa, Jan 29 - Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan qaan-gaar ahayn, in dhawaalena ku xirnaa xabsiyada magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa maanta oo

DHEGEYSO-Saamaynta ciidanku kuyeeshaan dhaqdhaqaaqa magaalada Boosaaso.
DHEGEYSO-Cali Xaji oo kahadlay shirkii siyaasiyiinta Mucaaradka Muqdisho ugu xirmay.
DHEGEYSO-Qaybta labaad ee waraysigii Musharax Cali Xaaji Warsame.

Mombasa, Jan 29 – Dhallinyaro Soomaaliyeed oo aan qaan-gaar ahayn, in dhawaalena ku xirnaa xabsiyada magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayaa maanta oo Sabti ah xabsiyadii laga sii daayay. Sidaa waxa Daljir u sheegay Prof. Maxamed Cumar Dhalxa oo ah xildhibaan ka tirsan barlamaanka federaalka KMG ah ee Soomaaliya.

Prof. Dhalxa waxa uu sheegay in ay siiddaynta maxaabiistan oo u badan 12 jirro illaa iyo 13 jirro ay ka dambaysay kadib markii uu shirar la qaatay madaxda jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee Mombasa, kuwaas oo ka codsaday ka mas?uul ahaan in uu gacan ka gayso siidaynta dhallinyarada.

Mudane Dhalxa waxa uu sheegay in wixii kulankaa ka dambeeyay uu qaatay tallaabooyin shakhsi ah ayna ka mid ahaayeen in uu xabsiga ku booqdo dhallinyarada maxaabiista ah, kullammo la qaato iyaga iyo maamulayaasha xabsiga, codsi hor-dhigo madaxda Kenya iyo hoggaanka garsoorka ee dalkaa. Intaa waxa uu ku daray in uu magaalada Nairobi arinta kula soo qaaday madax sare oo ka tirsan Hay?adda Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR) iyo Midowga Yurub.

Soomaali badan oo nolol-doon ah ayaa ku xiranmeelo badan oo ka mida dunida kuwaas oo dhibaatooyin badan oo dhinaca bini?aadanimada ah kala kulma meelaha qaar. Prof. Dhalxa waxa uu sheegay in ayan tallaabadani ahayn tii uga horaysay ee nooceeda ah, balse waxa uu sheegay in uu horay maxaabiis Somaaliyeed uga sii daayay xabsiyo ku yaal Liibiya, India iyo Masar.

Diiwaanka Wararka
Idaacadda Daljir,

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: