Maxaabiis dagaal oo Ukraine u dhashay oo la sii daayey

HomeWararka

Maxaabiis dagaal oo Ukraine u dhashay oo la sii daayey

50 Maxbuus oo u dhashay dalka Ukraine ayaa dib ugu laabtay dalkooda Hooyo, kuwaasi oo ay Milliteriga Raashiya horey ugu qabteen goobaha Dagaalka. A

Ruuskha oo ka Jawaabay Cunoqabateynta Maraykanka Cayrinayana 755 Dibloomaasi
Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ku wajahan Addis Ababa iyo colaadii Mooyaale oo dib u soo cusboonaatay
Maamulka gobalka Banaadir oo Xariga kajaray Xafiska Amniga (dhegayso/Sawiro)

50 Maxbuus oo u dhashay dalka Ukraine ayaa dib ugu laabtay dalkooda Hooyo, kuwaasi oo ay Milliteriga Raashiya horey ugu qabteen goobaha Dagaalka.

Andriy Yermak oo ah Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in Maxaabiista soo guryo noqday ay kala yihiin 33 Sarkaal iyo 17 Askari.

Qoraal uu soo dhigay Barta Telgram ayuu ku sheegay in lagu guuleystay Maxaabiis Isdhaafsi kale, iyadoo 50 maxbuus ee la soo daayey ay ka kala tirsan yihiin Ciiddanka Cirka, Ciddanka Ilaalada Qaranka, Ciiddanka difaaca Xuduudaha, Ciiddanka Badda iyo kuwa Hawlgallada Khaaska ee Ciiddanka Ukraine.

“Waxaan dib u soo celinay dadkii lagu qabtay Rugta Tamarta Nukliyeerka ee Chernobyl iyo Difaacayayaasha magaalladda Mariupol, Goballada Kyiv, Kherson, Chernihiv iyo kuwo kale oo ay Hawlgallada Milliteriga laga qaaday” ayuu yiri Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine.

Si kastaba ha ahaatee, Tirada Guud ee Maxaabiista Milliteriga Ukraine iyo dadka Rayidka ee ay Raashiya sii daayeen sanadkii hore waxay baarayaan 1,596 qof.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: