Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ku wajahan Addis Ababa iyo colaadii Mooyaale oo dib u soo cusboonaatay

HomeWararka

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ku wajahan Addis Ababa iyo colaadii Mooyaale oo dib u soo cusboonaatay

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya  mudane Mustafa Maxamed Cumar Cagjar  ayaa kulan deg deg ah iskugu yeeray xubnaha golihiisa Wasiiradda,  k

Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Xildhibaan Surcad oo Ka Hadlay Shirka London iyo Dhismaha Garoonka Garoowe (dhegayso)
Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland Maxaa looga hadlay? (Akhriso)

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya  mudane Mustafa Maxamed Cumar Cagjar  ayaa kulan deg deg ah iskugu yeeray xubnaha golihiisa Wasiiradda,  kulan kaas oo looga wada hadlay xaaladda ka taagan deegaanka Mooyaale, una dhaxaysa dad ka soo jeeda Deegaanka Soomaalida iyo Oromadda.

Madaxweynaha ayaa kulankan intii uu socday u sheegay golihiisa wasiiradda in loo baahan yahay in la qaato door wanaagsan oo ku aadan sidii colaadaasi loo xakameyn lahaa .

Madaxweyne Mustafe ayaa sheegay in uu ku wajahan yahay haatan  magaalada Addis Ababa si arrintan xal deg deg ah looga gaaro.

Cagjar ayaa shalay galab-ba gaaray magaalada Addis Ababa, isagoo lafilayo in uu la kulmo Ra-iisulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo ay ka wada hadlayaan sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalka u dhaxeeya labada qowmiyadood.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: