Maamulka gobalka Banaadir oo Xariga kajaray Xafiska Amniga (dhegayso/Sawiro)

HomeWararka

Maamulka gobalka Banaadir oo Xariga kajaray Xafiska Amniga (dhegayso/Sawiro)

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa xarigga ka jaray xafiisk

Eheladda Kooxo Burcad badeednimo ugu xiran Maraykanka oo codsi u diray M Farmaajo (Daawo)
Xulashada Daljir iyo Ayaanle Cabdullaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Mowqifka Dowladda Puntland ee Arrimaha Shidaalka.

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Kuxigeenkiisa ee Arrimaha Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa xarigga ka jaray xafiiska Amniga Gobolka Banaadir oo qeyb ka ah qorsheyaasha ku qotoma dhammeystirka qaab-dhismeedka Amniga Qaranka.

Guddoomiye Xuseen ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir oo fulinaya qodobbadii ka soo baxay Shirkii Amniga Qaranka Baydhabo ee 3-ilaa 5ta bisha Juun ay dhankooda hirgeliyeen xafiiskan oo kaalin mugleh ka qaadan doona is-dhex galka siyaasadaha la xiriira arrimaha amniga qaran ee heer gobol iyo heer Federaal.

“Xafiiskan waxa uu masuul ka yahay isku xirka iyo isku duwidda howlaha ciidamada iyo guud ahaan shaqooyinka lagu xaqiijinayo amniga Qaran oo qorshuhu yahay in istaraatiijiyadda mideysan ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, Dawladda Goboleedyada dalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay si joogta ah isu dhaafsadaan, ugana wada shaqeeyaan.”Ayuu yiri Guddoomiye Xuseen.

Warbiixn Warkaas ku saabsan Wariye Cabdiraxmaan Waaberi ayaa Muqdisho inooga so diray

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: