Howlgallo xoogan oo ka bilaabanaya degaannada Jubbaland

Howlgallo xoogan oo ka bilaabanaya degaannada Jubbaland

Jubbaland waxaa ka bilaawday abaabulka howgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay wadaan ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland kuwaasi oo ay doonayaaan inay kula wareegaan deegaanada ay gacanta ku haayaan Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidamada Dowladda ee degaannada maamulka jubbaland ayaa xusay inay u diyaar garoobeen howlgalka ayna bilaaban doonaan maalmaha soo aadan, waxa ay xuseen in si la mida maamulada kale ay Al-Shabaab ka xoreyn doonaan deegaanada gobalada Jubbooyinka.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka Gernaal Cali Maxamed Maxamuud Bogmadoow oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG u ah maamulka Jubbaland ayaa waxa uu xusay in maalmahaan ay wadeen diyaar garowgii ugu dambeyay ee howlgalkaan ka dhanka Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com