Maxaa ka Taqaan Taariikh Nololeedkii Abwaan Xuseen Xirsi Caddib (Boon Xirsi) – Waraysi Radio Daljir

Maxaa ka Taqaan Taariikh Nololeedkii Abwaan Xuseen Xirsi Caddib (Boon Xirsi) – Waraysi Radio Daljir

 

Alle ha u naxariistee Xuseen Xirsi Caddib ‘Boon Xirsi’ waxaa uu 18kii bishii December ee sannadkii 2016 ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu  degganaa muddo dheer oo ah waayihii dambe ee noloshiisa, isagoo muddo 10 sano ka badan indha la’aan ahaa oo la hagayey.

Boon Xirsi waxaa uu ahaa abwaan leh hal abuur badan oo uu ku curiyey suugaan, siiba heeso, waxaa kale oo uu allifay riwaayado qaarkood hana-qaadeen, waxaa se uu aad ugu caanbaxay dhinaca majaajilada iyo jilitaanka madadaalooyinka sida maslixiyadda ah loo soo bandhigo.

Alle ha u naxariistee wuxuu baalasha hore kaga jiray dadka caanka ah ee bahda fanka ka tirsan, lagana yaqaanno Soomaaliya oo dhan, waxaana uu ka soo qaybgalay Riwaayado badan oo xilliyadii kacaanka iyo kahorma la dhigay.

Haddaba Radio Daljir ayaa Boon Xirsi kula kulmay magaalada Hargeysa bishii December ee sannadkii 2012, waxaana wareysi dheer oo uu siiyey Radio Daljir uga warramay taariikhdiisii nololeed, middiisii fanka iyo arrimo kale oo dhanka fanka iyo sugaanta.

Cabdifataax Cumar Geeddi ayaa wareystay.

Hoos ka dhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com