Maxaa Ka Cusub Xamar :Maxaabis Somaliyeed oo Maanta Muqdisho Laga soo dajiyaay (dhegayso)

HomeWararka

Maxaa Ka Cusub Xamar :Maxaabis Somaliyeed oo Maanta Muqdisho Laga soo dajiyaay (dhegayso)

Dhlinyaro Gaarayso 7 maxaabiis ah oo ku xirnaa Dalka jaziirada syshilis oo ku xukunaa heerar kala duwan kuna Eedaysnaa Fal Burcad badeednimo

Somaliland iyo Puntland oo lagu baaqay inay shacabka u turaan (dhegayso)
Qarax Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose
Doorka Haweenka Puntland ee Siyaasadda iyo Arimaha Bulshada (Dhegaysi+Sawirro)

Dhlinyaro Gaarayso 7 maxaabiis ah oo ku xirnaa Dalka jaziirada syshilis oo ku xukunaa heerar kala duwan kuna Eedaysnaa Fal Burcad badeednimo ah ayaa waxaa ,Maanta Garoonka aadan cade ku soo dhaweeyay wasiirka Cadaalada soomaaliya Xasan xuseen xaaji iyo Taliyaha ciidanka asluubta soomaaliyeed sareeye Gaas xuseen xasan cismaan .

Maxaabiistaan ayaa waxaa ay ka danbaysay siidayntooda ka dib Heshiis Dawlada soomaaliya ay la Gashay Dawla syshilis dhawaan kaasi oo ku aadaan isu celinta Maxaabiista Labada Dalka waxayna ka mid ahayd qodabadii ay isku afgarteen Wasiirka Arrimaha Dibadda soomaaliya yuusuf Garaad Cumar iyo madaxda Dalkaasi oo ahay in la sii Daayo Maxaabiista ku harsan xabsida Jaziiradaasi .

Taliyaha ciidanka asluubta ayaa boogaadiyay talaabada ay dawlada syshilis ku siidaysay maxaabiistaasi oo in muda xirnayd xabsi ku yaala Dalkaasi isagoo sheegay in inta dhiman xukunkooda ay ku qaadan doonaan xabsiga dhexe ee xamar

Wasiirka Cadaalada soomaaliya Abukaate xasan xuseen xaaji ayaa sheegay in dawlada soomaaliya ay ku dadaalidoonto sidii ay dib uxiriyadooda u heli la haayeen maxaabiista kale ee soomaaliyeed ee xiran xabsiyada Caalmka iyaga wada xaajood lala samaynayo wadamada ay ku xiranyihiin .

Mudo todobaad gudihiisa ayee eheed markii tiro maxabiis soomaaliyeed laga soo dajiyay dalka kuwaas oo laga keenay jasiirada Seycelis Dawladda Fadraaka ah ee soomaaliya ay wado dadaalo dib loogu soo celinaayo maxaabiista soomaaliyeed eek u dhibateysan wadamada calamka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: