Fah Faahin: Wafdi Kasocda Hay’adda UNCHR oo Muqdisho Gaaray & Soo dhaweyn loo samayaay (dhegayso)

HomeWararka

Fah Faahin: Wafdi Kasocda Hay’adda UNCHR oo Muqdisho Gaaray & Soo dhaweyn loo samayaay (dhegayso)

Booqashada madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Flippo Grandi oo qaadanaysa laba maalmood waxa uu ku yimid caasimadda Soomaaliya Waxa ku wehl

Shir loga hadlayo Arrimaha garsoorka oo Muqdisho ka socda
XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR
Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Maxamed Lakiman (dhegayso)

Booqashada madaxa Hey’adda Qaxootiga Aduunka ee UNHCR Flippo Grandi oo qaadanaysa laba maalmood waxa uu ku yimid caasimadda Soomaaliya

Waxa ku wehliya ergayga gaarka ah ee ee Hey’ada u qaabilsan Maxamed Cabdi affey waxaa Garoonka Diyaaradda Aadan cadde ku soo dhaweeyay wasiiro dowlaha Arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Safiiro, madaxa Hey’adda Qaran ee Qaxootiga iyo bakarakaashaya Soomaaliya Dr Axmed Dahir iyo masuuliyin kale.

Flippo Grandi waxa uu sheegay inay sii xoojinayaan caawinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ka nool dunida si gaar ahna ay taageerayaan kuwooda doonaya inay ku soo noqdaan dalkooda

“Shaqadeen ugu weyn dabcan waxay aheed muda sanada inaan taageerno qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dibadda hadii aahaan laheed wadamada gobolka iyo dunida waan sii wadayna waxaan u imid inaad idin xaqiijiyo inaan sameynayno hormaro si aan hubino badqadka qaxootiga iyo nolooshooda kuwooda ku nool dalalka dariska ah, dabcan qaxootiga qaar ayaa go’aansaday inay iskood u soo noqdaan waana taageeraynaa sida aan u taageernay dadka ku barakacay gudaha dalka in badan marka loo eego doorka Qaramada midoobe ee taageerada Dowladda Soomaaliya”

Wasiiro Dowladda Wasaardda arimaha Dibadda ee Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyr waxa uu tilmaamy madaxa UNHCR inuu Booqan doono Meelaha ay ku nool yihiin dadka ka soo noqday xeryaha qaxootiga.

“ waxaan Magaalda Muqdisho ku soo dhaweynaya madaxa Hey’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR Flippo Grandi Booqashadiisa waxa qaadanaysaa muda laba maalmood waxaa uu berry booqanaya meelaha ay ku soo noqdeen qaxootiga gaar ahaan Magaaladda Kismaayo, waxaan anaga kala hadlaynaa sidii loo xoojin lahaa caawinta qaxootiga Soomaaliyeed ee dunida ku nool”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: