Taangi Ciidamadda Masar oo Dul Fariistay Gaari Qarax laga soo Buuxiyey (daawo)

Taangi Ciidamadda Masar oo Dul Fariistay Gaari Qarax laga soo Buuxiyey (daawo)

Taangi ciidamada dalka Masar ayaa badbaadiyey in ka badan 50 ruux oo shacab ah kaddib markii uu isu dhigay deedna dusha sare ka maray oo burburiyey gaari qarax laga soo buuxiyey. Qaraxa ayaa la rabay in lala beegsado isbaaro ciidanku ku lahaa waqooyiga saxaaraha Siinaay.

Muuqaalkaan hoose oo ay baahisey wasaaradda difaaca ee Masar ayaa muujinaya darawalka taangiga oo go’aan degdeg ah qaadanaya kana hortagaya gaari xawli ku socda oo isku soo maqiiqaya barta isbaarada ciidanka.

Gaariga waxaa la socday 4 nin oo qoryo sita, wuxuuna ku rarnaa 100 kiilo oo qaraxyo ah.

Nasiibdarro markii la burburiyey gaarigii qaraxa siday oo baakad laga dhigay ayaa waxaa soo ag istaagay 7 qof, deedna wuu qarxay, waxaana meeshaas ku naf waayey todobadii qof ee u soo dhawaatay. Saas oo ay tahay haddii aan taangigu gaariga burburin waxaa la qiyaasayaa in 50 qof iyo ka badan ay meeshaas ku basbeeli lahaayeen.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

MUUQAALKA

Posted by Suxufi Wadani Ah on Thursday, July 27, 2017

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com