Masar oo dhex-dhaxaadinaysa Israaiil iyo Ururka jihaadiga ah ee reer falastiin

Masar oo dhex-dhaxaadinaysa Israaiil iyo Ururka jihaadiga ah ee reer falastiin

Ururka jihaadiga ah ee reer falastiin iyo dowlada Israaiil oo ay dhexdhexaadinayso Masar ayaa isla qaatay xabad joojin laga bilabo subaxnimada Khamiista ee maanta, kadib weeraro sababay dhimashada toban qof iyo ku dhawaad sideetan dhaawacyo ah tan iyo taaladadii lasoo dhaafay.

Ciidamada Israaiil ayaa weerar cirka ah ku qaaday aroornimadii maanta guri ku yaala bartamaha Qaza,waxana halkaasi ku naf waayey lix qof oo ay Caruur ku jirto.

Arintan ayaa ka dhigan in tirada dhimashadu ay gaarto in ka badan sodon iyo labo qof tan iyo Talaadadii la soo dhaafay.

Ururka iska caabinta Falastiiniyiinta ayaa iyaguna sii waday gantaalada ay ku ridayaan Israaiil.

Dhul badan oo ka mid ah Qaza ayay korontadu ka go’day,kadib duqaymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israaiil.

Muxamed al Hindi oo ka tirsan xafiiska siyaasada ururka jihaadiga ah ee reer Falastiin ayaa hore u sheegay in ay aqbalayaan heshiis hadii Israaiil buuxiso shuruudohooda, oo ay ugu horeeyaan joojinta shirqoolada iyo bartilmaameedsiga Marinadooda iyo ka dhabaynta balantii israaiil ay hore u qaaday ee ahayd qaadida go’doonka Qaza, Waxana uu intaas ku daray hadii ay Israaiil ka jawaabi weydo shuruudohooda ay sii wadi doonaan iska caabintooda.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 3
  • اللهم اعزالاسلام والمسلمين واذل الشرك ود

  • Maxamed cade 4 years ago

    Israaiil waa tuug qaadanaysa dhulka masaakiintafalastiin allah ha ugargaaro

  • NuurkaNederland 4 years ago

    FALASTIIN WAA UMADD DHIBSN OOKU JIRTA GUUMEYSI NOOCII UGU XUMAA EE BINI AADAM SOO MARO…
    BIBI’s NETENYAHU WAXAAN U AQAAN HITLERKII BARIGA DHEXE EE QARNIGA 21aad.
    GAZA GENOCIDE.
    NETANYAHU HE IS CRIMINAL.
    WHERE IS ICC?
    WHERE IS AMNEST INTERNATIONAL….HUMEN RIGHTS WOCHT.NOTHING..

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com