HomeUncategorized

Markabkii Shiinaha ee laga qabsaday meel ka fog biyaha Somaliya oo Xaradheere meel u dhaw la keenay.

Xarardheere, Oct 20 - Kooxa burcad badeed Somali ah ayaa Waxay Markab laga leeyahay Wadanka Shiinaha ka Soo qab sadeen Meel xeebaha Somaliya u jirta

Ciidamada Kenya iyo kuwa dawladda Federaalka oo qabsaday degmada Buur-gaabo ee gobolka J/hoose.
Beledweyn oo uu saaka ka qarxay dagaal xoogani & magaalada oo u gacan gashay Xisbul Islaam.
Madaxda Soomaalida oo shir uga furmay magaalada Muqdisho.

Xarardheere, Oct 20 – Kooxa burcad badeed Somali ah ayaa Waxay Markab laga leeyahay Wadanka Shiinaha ka Soo qab sadeen Meel xeebaha Somaliya u jirta ilaa 1,000 KM isla markaasna u dhow jasiiradda (Siishalis) Oo Somaliya dhanka koonfur bari kaga beegan 550 Mayl qiyaas ahaan.

Markabkaan laga leeyahay Wadanka Shiinaha ayaa Waxaa kooxda burcadda ah ay u ka xaysteen dhanka Xeebta badwaynta Hindiya ee Xaradheere kana Tirsan Gobolka Mudug, iyagoo burcad badeedu xaqiijiyey in ay ku xiri doonaan dekeda Magaaldaasi Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Arintaan ayaa Waxaa ka hadlay Madax ka Tirsan Ciidamadda midawga Yurub ka jooga Xeebaha Somaliya kuwaas ah Ciidamo la dagaalama kooxaha burcad badeeda ah ee Ragaadiyey biyaha Caalamiga ah ee Somaliya; Waxayna sheegeen in kooxdaasi in ay markabka ka soo qabsadeen meel ka fog biyaha Somaliya, isla markaasna ay Ciidamadoodu u direen diyaradaha dagaalka kadib ay burcadu qabteen markabka.

Dhanka kale Xubin ka Tirsan burcad badeeda ayaa Waxaa uu wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in ay markabkaasi oo ay saaran yihiiin 25 Shaqaale ah iyo shidaal fara badan ay ku xiri doonaan dekeda degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug isla Markaasna ay ula xaajoon doonaan siddi ay ula dhaqmeen Maraakiibtii hore ay qabsan jireen.

Ugu dambaytii Masuuliyiin ka tirsan dawlada Shiinaha ayaa Waxay sheegeen in kooxahaasi ay ka soo qaban doonaan Markabka ganacsi ee ay ka qabsadeen meel aan ahayn biyaha somalia hasse yeeshe weli aysan cadayn qaabka ay Wax uga qabanayaan burcad badeeda Somalidda ee markabkooda haysta.

Abdirahman Mohamed Koronto
Garoowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: