Markab dagaal oo Turkigu leeyahay oo burburiyey doonyo ay wateen burcad badeed Somali ah.

Seycheles. Apr ? 19 Markab nooca dagaalka ah oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa burburiyey doonyo ay wateen burcad badeed Somali ah kuwaasi oo marayey meel 820 mile u jirta xeebaha Somaliya.

Warbixin ay soo saartay gaashaan buurta NATO ayaa lagu sheegay in burcaddu ay ahaayeen 13 ruux ayna wateen sadex doonyood oo nooca dheereeya waxayna badda ku qubeen qoryihii ay wateen iyo jaranjarooyin, iyagoo sheegay inay yihiin kalluumeysato aan wax dambi ah galin.

Warbixinta ayaa sheegaysa in burcaddu ay wax jawaabo ah u waayeen su?aalo la weydiiyey oo ay ka mid aheyd waxa ay ka soo raadiyeen masaafada intaasi le?eg iyo inaysan jirin wax shabaago ah oo ay siteen.

Markabka Turkiga ayaa ku soo gurguurtay goobta ay burcaddu joogeen ka dib markii ay soo ogaatay diyaarad nooca qummaatiga u kaca ah, waxaana uu sheegay taliyaha markabkaasi inuu aad ugu faraxsan inay qawlaeysatan dambiileyaasha ah ka badbaadiyaan ganacsata aan waxba galabsan.

Burcaddii ayaa hadda lagu hayaa markab dushii halkaas oo su?aalo lagu weydiinayo, waxayna ku biirayaan boqolaal burcad badeed ah oo ay hayaan ciidamada shisheeya ee jooga xeebaha Somalia, waxaana dhacdadani ka dhacday meel 280 mile u jirta jaziiradda Seycheles.

Axmed Sh, Maxamed Tallman
Idaacadda Daljir http://daljir.com/

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com