Mareykanka oo Cambaareyey Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

HomeWararka

Mareykanka oo Cambaareyey Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Xarunta Dawladda Hoose ee Xamar.

Dowladda Maraykanka waxa ay si xoogan u cambaareynaysa weerarka argagaxiso ee 24-kii Luulyo ka dhacay Muqdisho, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa

Ramoole: ” Xasan sheekh wuxuu waddo ma ahaa mid ay u joojinayso Dowladda Puntland”
Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay Goliihisa Wasiiradda Cusub (Akhriso)
Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar oo maanta kormeer dayactir lagu samaynayo jidadka dhexmara madaxtooyadii hore (Sawirro)

Dowladda Maraykanka waxa ay si xoogan u cambaareynaysa weerarka argagaxiso ee 24-kii Luulyo ka dhacay Muqdisho, Waxaan tacsi tiiraanyo leh u direynaa qoysaska iyo saaxiibbada dhibanayaasha la dilay.

Waxaan siddoo kale u duceeneynaa dadka ku dhaawacmay oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdirahmaan Cumar Cusman.

Waxaan amaanayna ciidamada Soomaaliyeed iyo shaqaallaha gurmadka degdeg ah ee caawiyey dadkii dhaawacmay.

Weerarkan ayaa mar kale muujinaya in Kooxda al-Shabaab aysan dhowreynin nolosha dadka Soomaaliyeed ayna carqalad ku yihiin horumarka ku aadan nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya.

Waxaan xaqiijineynaa ballanqaadkeena xooggan ee aan ku garab
taagannahay dadka iyo xukuumadda Soomaaliyeed anagoo gacan ka geysaneyna ​​dadaallada wadajirka ah ee lagu doonayo baabi’inta kooxaha argagixisada iyo dhisida dal adag oo dadkiisa u horseeda barwaaqo iyo mustaqbal wanaagsan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: