Maraykanka oo Tijaabiyey Gantaal Hawada Ku Qabanaya Gantaalada Ridada Dheer

Maraykanka oo Tijaabiyey Gantaal Hawada Ku Qabanaya Gantaalada Ridada Dheer

Ciidanka difaaca ee dalka Maraykanka ayaa sheegay inay ku guulaysteen tijaabinta gantaal culus oo awooda inuu hawada sare ku qabto gantaalada qaaradaha isaga goosha haddii Maraykanka lala beegsad.

Tijaabadani waxay ahayd tii ugu horaysay ee nooceeda ah, waxayna jawaab u tahay khatarta isa soo taraysa ee ka imanaysa Kuuriyada Woqooyi.

Gantaalkan nooca gantaalaha hawada kaga hortaga ah ayaa laga ganay saldhig ciidanka cirka ee Maraykanku ku leeyihiin gobolka California, waxaanu si fiican uga hortagay oo soo riday gantaal aan hub ku xidhnayn oo dulmarayey badweynta Pacific-ga, oo ay ciidamadu ka soo ganeen jasiiradaha Marshalls.

Tallaabadaan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xilli dowladda waqooyiga kuuriya ay marar badan tijaabisey gantaalada ridada dheer oo ka caraysiiyey Maraykanka iyo xuluufadiisa ku sugan gacanka Kuuriya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com