Maraykanka oo Taageero u Muujiyay Dowladda Soomaaliya

Isniin, Luuliyo 13, 2015 (Daljir) — Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa lagu cambaareeyay weeraradii Alshabaab ka geysteen hoteelada Siyaad, Wehliye iyo saldhiga ciidamada AMISOM ku leeyihiin garoonka Muqdisho ee magaalada Muqdisho kuwaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhawaad 16 ruux ayaa geeriyootay weerarada ka dhacay hoteelada ku yaala agagaarka madaxtooyada Soomaaliya, kadib qaraxyo iyo weeraro is xigay oo ka dhacay hoteeladaasi.

Madaafiic Alshabaab ku garaaceen Stadium Muqdisho oo saldhig u ah ciidamada AMISOM ee howlgalka u jooga Soomaaliya, ayaanan la sheegin qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaarada dibada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Alshabaab ay beegsadaan dadka rayidka ah, waxaana lagu cambeeray weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraalka ayaa lagu sheegay iney ka go’an tahay garab istaagida shacabka iyo dowlada Soomaaliya iyo wadamada kale ee saaxiibada la ah Soomaaliya si looga hortago qataraha dhanka amaanka ah.

Ugu dambeyn ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ayaa lagu amaanay doorka ay ka qaateen difaacida dadka rayidka ah sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay wasaarada arimaha dibada Mareykanka.

By: Jama Abdurahman

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com